<< October 2017 >>
Sun Mon Tue Wed Thu Fri Sat
01 02 03 04 05 06 07
08 09 10 11 12 13 14
15 16 17 18 19 20 21
22 23 24 25 26 27 28
29 30 31




Contact Me

If you want to be updated on this weblog Enter your email here:


rss feed

Blogdrive


Mar 29, 2004
WARGEYSKA AL-KHALEEJ OO WARBIXIN DHEER KA QORAY DHAQ-DHAQAAQA DIBLOMAASIYADEED EE SOMALILAND

WARGEYSKA AL-KHALEEJ OO WARBIXIN DHEER KA QORAY DHAQ-DHAQAAQA DIBLOMAASIYADEED EE  SOMALILAND

Dawladda Itoobiya Waxay dedaal Diblomaasiyadeed ugu jirtaa sidii ay Somaliland 5 xubnood uga heli lahayd Baarlamaanka cusub ee loo samaynayo Afrika” Al-Khaleej

 

H

arWargeyska HAATUF, oo ka soo baxa magaalada Hargeysa ayaa saaka waxa uu qoray maqaalad dadku aad u jeclaysteen oo uu ka soo turumay Wargeyska lagu magacaabo Al-Khaleej, oo ka soo baxa dalka Imaaraadka Carabta, oo Warbixin dheer ka qoray Dhaq-dhaqaaqa Diblomaasiyadeed ee Somaliland qaaday muddooyinkan u dambeeyay.

HAATUF, waxa uu soo xigtay cadadkuu Al-Khaleej ee soo baxay 24-kii Bishan, oo ku qornaa luuqada Af-Carbeedka ah.

Wargeyska Al-KhaleeJ waxa uu Warbixintiisa kaga hadlay Xidhiidhka Somaliland la eedahay dalalka Afrika gaar ahaan Itoobiya iyo DJabuuti, isaga oo Wargeysku xusay inay Itoobiya dedaal diblomaasiyadeed ugu jirto sidii ay Somaliland Baarlamaanka Afrika uga heli lahayd 5 xubnood. Waxa kale oo uu Wargeyska Al-Khaleej tilmaamay in Xidhiidhka Somaliland iyo Carabtu soo diirayo muddooyinkan dambe.

Maqaalkan uu Wargeyska HAATUF, soo turjumay, waxa uu ku bilaabay.

“Jamhuuriyadda Somaliland waxay xoojisay dedaalkeeda diblomaasiyadeed si ay u hesho Ictiraaf” sidaa waxa ciwaan uga dhigay WargeyskaAl-Khaleeg oo ka so baxa Imaaraadka Carabta oo Bishan 24-keedii maqaal dheer ka qoray dedaalka dhinaca diblomaasiyadda ee ay beryahan dambe ay waden Madaxda Somaliland, gaar ahaana socdaalkii uu dhawaan Madaxweynaha iyo weftigiisu ugu baxeen dalal ka tirsan Yurub iyo xidhiidhka fiican ee ay Somaliland la yeelatay dalalka AFrika, gaar ahaan Itoobiya iyo DJabuuti, waxaanu Wargeysku sheegay in Itoobiya ay dedaal dilblomaasiyaded ka dhex wado ururka Midowga Afrika si ay shan xubnood uga hesho Baarlamaanka Guud ee Afrika, “Dawladda Itoobiya waxay dedaal diblomaasiyadeed oo weyn ka dhex wadaa Baarlamaanka guud ee loo samaynayo Afrika si ay Somaliland uga hesho 5 xubnood ka dib markii ay Xukuumadda Cabdiqaasim ku guuldaraysatay inay ka qayb qaadato shirki lagu aasaasayay Baarlamaanka ka dib markii u khilaaf weyni soo kala dhex galay Maamulka Cabdiqaasim oo ay isku qabteen cidda metalaysa Baarlamaanka Dawladda ku meel gaadhka ah ee Cabdiqaasim ee ka qayb geli lahayd shirkaa taariikhiga ah ee lagu aasaasayay Baarlamaanka Afrika oo dhawaan lagaga dhawaaqay Addis Ababa” ayuu ku yidhi Wargeyska Al-Khaleeg warbixinta uu daabacay.

Wargeysku isaga oo ka hadlay socdaalkii uu dhawaan Madaxweyne Rayaale ku tagay dalal ka mid ah Yurub waxa uu yidhi, “Waxay xukuumadda Hargeysa awooday inay soo jiidato dareenka dalalka reer galbeedka ah Yurub, gaar ahaan Ingiriiska oo ah dalkii gumaysan jiray iyo dalalka kale ee xubnaha ka ah Midowga Yurub, kuwaas oo ballan qaaday inay mashaariic iyo maalgelin ka samayn doonaan Somaliland o haysat degenaansho siyaasaded iyo mid amni marka loo eego dalweynihii la isku odhan jiray Soomaaliya. Dhacdadii qaraxyadii 11 September 2001, waxay siisay Somaliland fursad ay ku helaan taageerada Maraykanka ee dhinaca Dhaqaalaha iyo siyaasadda, taas oo ay u sabab tahay goobta Istaraatajiga ah ee ay ku taallo oo ah badda cas iyo badweynta Hindiya, taas oo u suurto gelinaysa inay door muhiim ah ka ciyaarto ilaalinta marinada muhiimka ee geeska Afrika iyo in Soomaaliya inteeda kale laga kaantarooli karo marinka badda cas” , isaga oo Wargeyska Al-Khaleej sii wata hadalkiisii waxa uu intaa ku daray in Booqashooyinkii ay dhawaan ku yimaadeen Somaliland xubno ka tirsan Baarlamaanka Ingiriisku waxa uu siinayaa inay Adduunyadu ogaato horumarka ay ka gaadhay dhinaca Dimuqraadiyadda, Xuquuqal-Insaanka, Asxaabta tirada badan, degenaanshaha Amniga, “Booqashadii u dambaysay ee uu Rayaale ku tagay dalka Ingiriiska iyo Dawlado ka tirsan Yurub waxay Somaliland u leedahay ahmiyad gaar ah, iyada oo dawladda Ingiriisku muujisay dabacsanaan ay u hayso Somaliland doonitaankeeda ah inay gooni u go’do, laakiin waxa uu sheegay Ingiriisku inaanu noqonayn dawladda ugu horaysa ee Ictiraafta Somaliland, taas oo la mid ah sida ay Ictiraafka Somaliland uga gaabsadeen dawlado kale oo badan oo ka tirsan Afrika, Carabta iyo Islaamka” ayuu yidhi Wargeyska Al-Khaleej.

Wargeyska waxa uu soo xigtay Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Edna Aden Ismaaciil, in ay aad ugu faraxsantahay sida weyn ee loogu so dhaweeyay dalalka Yurub oo ay sheegtay inaanay filayn. Waxa kale oo ay Edna ka hadashay Cambaarayntii ka timid Kooxaha Koonfurta gaar ahaan dawladda Cabdiqaasim, waxa ay tidhi, “Dawladda Ingiriisku ugama baahna Fasax hoggaamiye Kooxeedyada Koonfurta ciddii ay doonayso inay booqato dalkeeda, waxaanay Edna ugu baaqday kooxaha Koonfurta inay xaliyaan mashaakilka dhexdooda oo aanay wakhtiga iskaga luminin xidhiidhka taariikhiga ah ee ka dhexeeya Somaliland iyo Ingiriiska.

 

Wargeysku waxa kale oo uu soo qaatay xidhiidhka soo fiicnaanaya ee ay Somaliland la leedahay dalalka Jaamacadda Carabta oo uu ku tilmaamay inuu muddooyinkan u dambeeyay soo diirayo, gaar ahaan tan iyo marki Wasiirka Arrimaha Dibadda Edna Aden sannadkii hore booqatay magaalada Qaahira, oo ay kula kulantay xoghayaha gud ee Jaamacadda Carabta Camar Muuse, taas oo keentay in Jaamacadda Carabtu wefti ballaadhan u dirto Somaliland sannadkii tagay.


Posted at 03:12 pm by Mousa
Make a comment

Mar 25, 2004
XALIIMO KHALIIF CUMAR (MAGOOL) OO SAAKAY LAGU AASAY DULEEDKA MAGAALLADA MUQDISHO

XALIIMO KHALIIF CUMAR (MAGOOL) OO SAAKAY LAGU AASAY DULEEDKA MAGAALLADA MUQDISHO

Waxaa saakay duleedka magaallada Muqdisho lagu aasay fannaanaddii caanka ahayd ee Xaliimo Khaliif Cumar Magool oo 19-kii Bishan Maarso ku geeriyootay magaallada Amsterdam ee waddanka Holland, waxaana saakay meydka fannaanadda laga soo dejiyey garoonka Balidoogle ee magaallada Muqdisho saacaddu markii ay ahayd 8:30-subaxnimo, waxaana aaskaasi ka qayb galay kummanaan kun oo dadweyne ah oo ka kala socday ururrada kala duwan ee Bulshada iyo ururrada siyaasadeed ee ka jira dalka.

Saacaddu markii ay ahayd 12:00-Duhurnimo ayaa lagu aasay fanaanadda Qubuuraha Siiddii Sh. Aweys oo ku yaalla Ceelasha biyaha ee waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye, waxaana meydka dalka Holland ka soo duuliyey nin ay qaraabo yihiin Magool oo lagu magacaabo bashiir Ciise Lugoole oo sheegay in markii hore ay dhibaato kala kulmeen qaabkii loo soo qaadi lahaa meydka marxuumadda, balse markii ay oggolaansho ka heleen Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Holland iyo Wasaaradda Caafimaadka ayaa loo oggolaaday in Xaliimo Khaliif lagu aaso dalkeedii hooyo, isagoo sheegay in xalay ay ku baryeen magaallada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta.

Goobta uu aasku ka dhacayay waxaa dhoobnaa gawaari aad u fara badan, iyo dadweyne ka kala yimid Muqdisho iyo dhammaan gobollada dalka, waxaana dadweynaha dhex marayay gawaari ay ku rakiban yihiin Samaacado waaweyn oo akhrinayay aayado Qur’aan ah.

Dadkii ka qayb galay aaska marxuumadda waxaa ka mid ahaa Fanaanadda caanka ah ee Seynab Xaaji Cali Baxsan oo sheegtay in ay aad ugu faraxsan tahay in Xaliimo Khaliif meydkeeda la keeno dalka, laguna aaso dalkeeda, waxayna u mahad celisay intii gacanta ka geysatay keenista meydka xaliimo Khaliif ee magaallada Muqdisho.

“Haddii lagu aasi lahaa Amsterdam waxa ay la mid tahay calanka Soomaaliyeed oo lagu aasay dalkaasi, balse nasiib wanaag taasi ma dhicin oo dalkeedii ayaa la keenay, ALLAHANA u naxariisto” ayay tiri Seynab Xaaji Cali Baxsan oo sheegtay in Magool ay ahayd fannaanad waddaniyad ah oo u soo halgantay dalka.

Waxaa kaloo ka qayb galay aaska Guddiyo ay Dowladda KMG ah u xilsaartay, Isbahaysiga SNA ee uu hoggaamiyo Xuseen Maxamed Ceydiid iyo Xisbiga Midnimada Jamhuuriga ee uu hor kacayo C/nuur Axmed Darmaan.

Amiin Yuusuf Khasaaro
e-mail:
amiinkhasaaro@hotmail.com


Posted at 09:15 pm by Mousa
Make a comment

MAXKAMADDA GOBOLKA AWDAL OO DHAGAYSANAYSA DACWADDA NIN NEBI SHEEGTAY.

MAXKAMADDA GOBOLKA AWDAL OO DHAGAYSANAYSA DACWADDA NIN NEBI SHEEGTAY

.MAXKAMADDA GOBOLKA AWDAL OO DHAGAYSANAYSA DACWADDA NIN NEBI SHEEGTAY.


B

oorama(SNN)-Maxkamadda Gobolka Awdal ayaa shalay markii labaad dhegaysatay dacwad lagu soo oogay 15 xubnood oo ah niman Xerow ah kuwaasi oo lagu soo oogay dacwad la xidhiidha in mid ka mid ahi sheegtay inuu yahay Nebi, aflagaaado masjid oo la sheegay inay ku tilmaameen kaniisad iyo qodobo kale.

Sida uu ku soo waramay Weriyaha Jamhuuriya ee Gobolka Awdal, Mr. Habane, Dhegaysiga dacwadan oo shalay Abaaro 9:00 subaxnimo ka bilaabantay Maxkamadda, waxa ay dhegaysatay dooda ay iskaga difaacayeen qodobada lagu soo oogay kooxdan xerta ahi iyadoo shalay maxkamad la horkeenay markii ugu horeysay ilaa 10 markhaati oo ka dhan ah kana markhaati ahaa markaa dacwada nimankan loo haysto kuwaas oo shalay ku furay inay qabaan danbiyada loo haysto ku waasi oo lagu sheegay in mid ka mid ihi uu sheegtay nabi nimo isla markaana uu ku tiraabay in salaada laga yaqiimay, in kooxdani masaajidka ku yaala tuulada qun u jeed ku tilmaameen kaniisad, inay dumarka u meheriyaan si ka baxsan shareecada islaamka inay sifo sharci daro ah dadka deegaanka uga urursadeen xoolo badan oo aanay awoodin.

Shalay oo Maxkamaddu u balan sanayd dhegaysiga dooda ay isku difaacayaan kooxdan xerta ah oo mudo toban cisho ah ku xidhnaa saldhiga boorama ka dib markii laga soo qabtay tuulada qun ujeed ee degmada boorama waxaa shalay oo ay mid mid uga soo jeediyeen dooda ay isku difaacayaan Maxkamadda waxa ay sheegeen dhamaantood inaanay dhamaan qodobadaa lagu soo eedeeyay aanay qabin islamarkaana aanay odhan oo laga been abuuray islamarkaana ayna jirin cidka mid ah oo nabi sheegatay arintaasi oo ah waxaanu la yaabnay oo ay maqalkeedana noogu horeyso shalaydaa nalagu eedaynayay iyagoo tilmaamay inay rumaysanyihiin nabi maxamed in uu yahay balse ay tilmaameen inay jirtay khilaaf mudooyinkanba u dhexeeyay iyaga iyo koox kale oo iyagu ay yihiin qaadiriya kooxda kalena wahaabiya, waxaanay kooxdani doodooda ku lifaaqeen dhaar ay ku mareen kitaabka quraanka ah si uu markhaati ugu noqdo ka bari ahaanshaha waxaa lagu soo eedeeyay.

Intii ay socotay dhegeysiga dacwadani oo  ay kasoo qayb galeen dhegaysigeeda culimo, iyo dadwayne badan iyadoo amaankana la adkeeyay waxaa sidoo kale iskugu soo ururay halkaasi barxada dad weyne aad u fara badan kuwaasi oo ay yaab iyo amakaag ku noqotay dacwadan oo ah tii u horeysay ee nooceeda ah ee soo marta dhegohooda  waxa maxkamadu mar kale u mudaysay go’aan ka gaadhisteeda maalinta maanta.


Posted at 09:07 pm by Mousa
Make a comment

Gudiga Arrimaha Gudaha G/wakiiladda oo ka Arrinsadday Doorashadda Barlamaanka

Gudida arimaha gudaha ee Golaha wakiilada somaaliland ayaa weydiistay Gudida doorashooyinka Qaranka in ay xog waran iyo talo ka siiyaan wixii wax ka badalid iyo wax ku kordhin u baahan ee xeerka doorashooyinka iyo waxyaalihii ka xumaaday doorashooyinka ee la qabtay. Gudigan oo ku guda jira xog urursi ku saabsan sida ay suurta gal u noqon lahayd in wax laga qabto waxyaalaha hortaagan qabashada doorashooyinka baarlamaanka,ayaa lagu qabtay xarunta Golaha wakiilada soomaaliland. kulankan waxa ugu horaynba ka hadlay Gudoomiyaha Gudoomiyaha arimaha gudaha Md.Siciid Cilmi rooble, waxana uu sheegayin gudi ahaan ay markii hore doonayeen in inta aanu kalfadhigan golaha wakiiladu soo galin ay xeerkii doorashada baarlamaanka iyo xog urursigooda oo dhamaystiran ay u gudbiyaan Golaha,si aan Gudidooda loo odhan iyaga ayaa dabada haya doorashada baarlamaanka,waxa kale oo uu xusay mudane siciid, in uu gudigoodu la kulmay dhamaanmeelihii iyo cidii ay khusaynaysay xog urursigoodu ku waas oo sida uu sheegay ay kamid yihiin Xisbiyada Qaranka , Gobolada iyo Degmooyinka Dalka iyo Gudiga Doorashooyinka Qaranka. Xeerka Doorashooyinka lama odhanakaro wuu dhamaystiranyahay ee wax ka badalid iyo wax ku darid buu u baahanyahay,laakiin waxaan odhankaraaq sharci bilaw ah ayuu xerkaasi u wanaagsanyahay, sidaa waxa yidhi Gudoomiyaha Doorashooyinka Qaranka Md.Axmed X.Cali Cadami. Gudoomiyuhu waxa kale oo uu sheegay in lahelo dhaqaalaha lagu fulinayo doorashada ka hor inta aan la galin wakhtiga doorashada.

Posted at 02:37 pm by Mousa
Make a comment

Daahir Riyaale oo la kulamaya ku simahaAgaasimaha guud ee DG Devolopment oo ah qeyb ka tirsan European Commission

Daahir Riyaale oo la kulamaya ku simahaAgaasimaha guud ee DG Devolopment oo ah qeyb ka tirsan European Commission

Daahir Riyaale Kaahin Madaxweynaha dowlada la baxdey Somaliland iyo wafdi uu hogaminayo oo ay ka muuqatay Wasiirad Adna Aadan Ismaaciil ayaa ku sugan iminka Caasimada Midoowga Yurub ee Brussels Wafdiagaa oo lagu wado inay maanta oo Khamiis ah ay Brussels kula kulmaan Ku simaha Agaasimaha guud ee DG Devolopment oo ah qeyb ka tirsan European Commission una qaabilsan arimaha horumarinta iyo gargaarka aadamiga mar aan la xariirey afhayeenka European Commission ee qeybta horumarinta iyo gargaarka Mr Jean Charles ayuu ii sheegey in uu socodka Mudan Riyaale uu yahay mid uu DG Devolopment kala hadlaayo horumarinta iyo gargaarka Somaliland ee uusan ahayn mid siyaasadeed uuna la kulmaayo kaliya ku simaha DG devoloment Mr.Athanassios Theodorkis waxaan u kuurgalay in ay jiraan wado hadalo siyaasadeed oo uu la yeelan doono Madaxda Yururb iyo in kale balse waxay Christina Gallach oo ah afhayeenka Xoghayaha arimaha dibada ee Midowga yurub oo fadhigiisu yahay EU Council Mr Javier Solana ay ii xaqiijisey in aysan jirin kulan dhex maraya Solana iyo Mr Riyaale sidoo kalana uusan la kulmayn dhigiisa Yurub.



Mr Riyaale socodkiisaan ayaa ku soo beegmay xili ay Midoowga Yurub ku mashquulsan yihiin balaarinta Yurub iyo xeeraraka cusub iyadoo shirka intergovermental ka ah uu ku beegan yahay isla maalinta uu qaabilaada Mr Riyaale ku leeyahay DG Devolopment



Dadka siyaasada indho indheeya ayaa xiligaan ku tilmamaaya xiligii ay Yurub ka irdo laabanaysay Siyaasada Africa una irdo fureysey Siyaasada cusub ee Midoowga Yurub
dhinaca kale waxaa socodkaa Mr Riyaale lagu tilmaami karaa mid possitive ah oo tilmaamaya ka muuqashada masraxyada siyaasada caalamiga ah in ay noqon karto bilaawga xariir siyaasadeed iyo mid gargaar oo caalami ah oo dhex mara Somaliland iyo Yurub Dhanka Mr Riyaale ayaa habeenimadii talaadada kula hadlay Hotel Hilton ka Brussels jaaliya Somaliland
Saida VIP Brussels

Saida Sheikh Ahmed
Brussels


Posted at 02:31 pm by Mousa
Make a comment